Garoowe: (pp)- Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa maanta go’aan ay ku joojinayso in Lacagaha Shilin Soomaaliga ah loo qaado Koonfurta Soomaaliya kasoo soo saartay Magaalada Garoowe, Wasiir Ku-xigeenka Maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa Ganacsatada iyo Gadiidleyda uga digey inay Lacagta u qaadaan Koonfurta Soomaaliya isagoo ciidamada Kantaroolada ku amray inay Baaritaano xoog leh ku sameeyaan Gawaarida u socota Koonfurta Soomaaliya ayna xiraan, Lacagtana kala wareegaan Gaarigii lagu arko isagoo Lacag Shilin Soomaali ah u wada Koonfurta Dalka Soomaaliya.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa timaamay inay jiraan Dad ku hawlan inay Lacagaha Shilin Soomaaliga ah u qaadaan Koonfurta Soomaaliya kadib markii hoos u dhac baahsan uu ku yimi Sarifka Lacagta Doolarka ah ee koonfurta Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaysan udul qaadan doonin cidii lagu qabto iyadoo Lacag Shilin Soomaali ah u wada koonfurta Soomaaliya oo laga qaadi doono talaabada ku haboon lagalana wareegi doono Lagcagta ay wataan.
Waxa uu Ganacsatada reer Puntland ugu baaqay inaysan ku fakarin inay faaido shilin Soomaaliga yaala Puntland kaga raadsadaan Koonfurta Soomaliya gaar’ahaan Magaalada Muqdisho waxayna taasi dhalin kartaa ayuu caqabad dhaqaale oo soo food saarta Dadka masaakiinta ah ee reer Puntland.
Go’aanka kasoo baxay Dawlada Puntland ayaa kusoo aadaya xili hoos u dhac baahsan laga dareemay sarifka Lacagta Doolarka ah Guud ahaan Dalka Soomaaliya gaar’ahaan Degaanada Puntland oo illaa shalay hoos u dhac weyn laga dareemaayey suuqyada Puntland waxaana arinkan loo sababeeyey hoos u dhaca ku yimi Doolarka Magaalada Muqdisho.
puntlandpost.com