Maalinkii shalay oo ay booqdeen magaalo xeebeedka magaalada Kismaayo Wafdi ka socday IGAD oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ayaa markii ay tageen madasha uu shirka ka socday isla markaasna ay la kulmeen maamulka kumeel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxay wafdigu aad usoo dhaweeyeen sida wanaasgan ee uu shirka uga socda magaalo xeebeedka magaalada Kismaayo.
Wafdiga IGAD ayaa Xog dhegeysi kaddib sheegay uguna baaqay Ergada iyo masuuliyiinta shirka hogaaminaysa inay dedejiyaan dhamaystirka maamulka Jubbaland State,sida ugu dhaqsaha badana loo doorto dowladii hogaamin lahayd Jubbaland State.
Wafdiga ayaa dhanka kale ku baraarujiyey Ergada iyo masuuliyiinta shirka hagaya sida wanaagsan ee ay isugu tashadeen , iyagoo wadajira oo uusan u dhaxayn wax khilaaf ah.
Sikastaba, masuuliyiinta IGAD ka socotay ayaa booqashadoodu ku aadanayd Indho-indheynta sida uu u socda shirka ka socda magaalada Kismaayo , iyagoo wixii ay kala kulmeen magaalada Kismaayo u gudbin doona xarrunta dhexe ee urur goboleedka IGAD.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland