Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Saddex Caruur Walaalo ah oo ku dhimatey Degmada Eyl Ee Gobolka Nugaal

$
0
0

Eyl: (pp)- Saddex caruur walaalo ah ayaa u geeriyootey xanuun aan la garaneyn Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, kuwaas oo la sheegey in xanuunku uu hayey in ka yar 24 saacadood ,waxaana dhakhaatiirta Eyl ay sheegayaan in noociisa aan horey Degmada loogu arkin.

Khadiijo Cabdi Xuseen oo ah dhakhtarad ka tirsan bahda caafimaadka Eyl ayaa u sheegtey Shabakada Wararka ee Puntlandpost.com in gabdho ay yihiin dhamaantood 3 caruurta ee u dhimatey xanuunkan, islamarkaana weli baaris ku wadaan nooca cudurka.

“Hadii aan kaaga waramo Geeridan foosha xun ee lasoo daristey saddexda caruurta ee walaalaha , hadii aanu baarney xanuunkooda , ma uusan ahayn cudurka la yiraahdo Kaloore, Ma aysan ma tageyn,Sidoo kale waxaan moodey in ay sumoobeen , balse markii aanu ka baarney kama aanu helin “ayey tiri Drs Khadiijo.

Khadiijo waxay intaas ku dartey in aysan hubin nooca xanuunku uu yahay , balse ay u maleynayso in uu ahaa xanuunka la yiraahdo Rift Valley fever (RVF) oo badanaa xoolaha ku dhaca.

Dhanka kale wasaarada Caafimaadka Dowlada Puntland walli wax war ah kama aysan soo saarin xanuunka laga soo sheegayo Degmada Eyl, waxaana sida wararka aanu ku helayno jirra dadaalo ay wadaan dhakhaatiirta iyo wasaaradu ay ku ogaanayaan nooca xanuunkan.

Nagala soo xiriir Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe Office


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>