Gaalkacyo(pp):Xaalada magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ayaa degan maalintii labaad ka dib dagaal waddo la dhisayo ka bilowday oo dhexmaray maleeshiyo Galmudug kasoo jeeda iyo ciidanka Puntland.
Dagaalkaasi ayaa sababay dhimashada todobo qof iyo dhaawac intaasi ka badan, waxana hadda socda weli waanwaanta lagu dhamaynayo colaadaasi iyo in mar kale uusan dagaal bilaaban.
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Puntland ayaa wada hadal labo maalmood ku eg la qaadanaya dhinaca Galmudug, si loosoo afjaro xiisada weli ka muuqata goobtii dagaalku ka bilowda ee Garsoon.
Dadka waxgaradka ah ee ku nool magalada Gaalkacyo ayaa la hadlay Puntland Post, waxay sheegeen inaysan faa’iido lahayn dagaal iyo colaad labadana dhinaca ay dantu ugu jirto inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo wada noolaashaha.
Mamulka degmada ayaa sheegay inaysan joojin doonin shaqada ay ka wadaan waddada Garsoon marta, ayna tahay dhul ay Puntland maamusho, balse maleeshiyada wareerkaasi soo qaaday ayaa u arka Puntland inay daandaansi wado.
Wararka ayaa sheegaya inay jiraan qoysas degan xaafadaha Garsoon iyo Israac iyo dhanka Galmudug ay barakac sameyeen, ka dib markay muujiyeen inuu dagaal mar kale dhici karo.
Puntlandpost.com