Muqdisho-(PP)-Ra’aysul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa is beddel kooban iyo xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah golaha wasiirrada,iyadoo tallaabadanna uu oggolaaday madaxweyanaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Dikareetada ka soo baxday xafiiska wasiirka koobaad ee dalka ayaa waxaa xilka looga qaaday wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Cabdiraxman Cabdi Cusmaan, waxana jagadan loo magacaabey Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed,iyadoo sidoon kale wasaaradda Korontoda iyo Biyaha oo laga qaadey Maxamed Xasan Aaden (Shaahiyow) loo dhiibay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.
Isku shaandhaynta golaha wasiirrada oo maalmahanba la ahadal hayay ayaa ah mid weli socoto,waxaana laga yaabaa in saacadaha nagu soo wajahan ay xilalkii wasiirnimo ay waayaan lamana saadaalin karo xubnaha ay saamayn ku yeelan doonto.
Sooyaal;PP