Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jaamacada Bariga Afrika oo Yeelatay Hay’ad u gaar ah (Sawirro)

$
0
0

Garowe (PP) barnaamijkan oo ka dhacay Xarunta Jaamacada Bariga Africa Faraceeda Garowe wuxuu ahaa mid lagu daah furayay Hay’ada ay si gaar ah u leedahay Jaamacadda Bariga Africa taasoo dabooli doonta baahiyaha Jaamacada looguna gurmanayo Danyarta iyo hadii ay musiibooyin wadanka ka dhacaan waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xildhibanada Baarlamaanka Puntland iyo Madaxda Jamacada .

Madaxa Hay’ada Jamacada Bariga Africa Cabdikariin Hussein Ahmed ayaa sheegay marka hore in Hay’dan lagu magacaabo (East African University foundation) waxayna ka shaqayn doontaa in ay saacido hadafyada ay leedahay Jaamacada Bariga Afrika sidoo kale hay’adan waxay Saacididoontaa bahda waxbarashada qaasatan Ardayda,bulshada qeebeheeda kala duwan iyo hadii ay masiibooyin wadanka ka dhacaan ayuu yiri Madaxa Hay’adani.

Maamulaha guud ee Jamacadda Bariga Africa Aadan Sheikh Doon Ali oo sharaxaad dheer ka bixiyey sida ay u shaqayso jaamacada Bariga afrika iyo qaybaha ay ka koobantahay isgoo sheegay in ay jaamacada leedahay 7 farac oo Puntland ku kala yaala lagana dhigo 15kuliyadood iyo Barnaamij Master ah isagoo sheegay in Jaamacadu ay dhul baaxadleh ku fadhido ayna mudan tahay in ay yeelato Hay’ad u gaar ah.

Aadan sheikh doon ayaa codsaday in barnaamijkan oo ah mid muhiim ah Dalkana ku cusub la dhiirigelsho lagana shaqeeyo sidii lagu taaba gelin lahaa hirgelinta Barnaamijkan si ay ugu intifaacsadaan dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo wadankaba.

Masuuliyiinta dowladda oo ay ka matalayeen Xildhibaan siciid Cabdi Samatar Surcad iyo Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa si isku mid ah madasha uga sheegay in ay taageeri doonaan Hay’adan maadaama Jaamacada Bariga Afrika ay Xawaare Sare ku dhaqaaqday Isla markaana ay tiro badan oo arday ah ay ka qalin jabiyeen sidaa darteedna ay u baahnayd Jamciyad u gaar ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali faarax ayaa sheegay in Wasaarad ahaan barnaamijkan ay si diiran usoo dhaweynayaan ulana shaqaynayaan wuxuu sheegay in barnaamijkan uu waxtar u leeyahay ardayda tacliinta sare maadaama loo baahan yahay in lasoo saaro arday wax ku ool ah oo dalka iyo dadkaba anfacda.

Hay’adan ayaa waxay Xarunteeda wayn ku yeelan doontaa wadanka UK Caasimadiisa London iyadoo xarumona ku yeelan doonta laamaha Jaamacadu ku leedahay Soomaaliya.
1 (16)

1 (14)

1 (13)

1 (12)

1 (11)

1 (17)

1 (18)

1 (15)

1 (10)

1 (9)

1 (7)

1 (4)

1 (1)

1 (2)

1 (3)
Xafiiska Warfaafinta
EAU Garowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>