Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mamulka Degmada Eyl oo beeniyay in xeebta lagu lagu afduubay Doon (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Mamulka Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in koox Burcad badeed ah dooni ku afduubteen xeebta degmadaasi.

Muuse Cismaan Yuusuf oo ah duqa degmada Eyl ayaa isagoo la hadlayay Radio Daljir waxa uu sheegay inaysan waxba ka jirin warka warbaahinta baahisay ee sheegaya in dooni lagu afduubay xeebta degmadasi wuxuna cadeeyay inaysan taasi run ahayn oo xeebta degmada wax afduub ahi ka dhicin.

Agaasimaha la-dagalanka Burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa sheegay wararka loosoo gudbiyay inay sheegayaan koox burcad ah inay dooni ku Afduubeen bariga xeebta Eyl isla markasna ula dhaqaaqeen dhinaca Ceel-Huur.

Waxa kale uu sheegay Ducaysane inay dib usoo laabteen falalkii Burcad badeeda oo Puntland laga suuliyay 2012.

Inta badan mamulka degmooyinka ku yaala xeebaha Puntland ayaa walaac ka muujiyay Kalluumaysiga sharci darada ah kaasoo sababi kara in dib u bilowdaan falalka burcad badeeda marka loo eego shaqo la’aanta ku dhacday dhalinyaradii xeebaha ka shaqaysan jiray.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>