Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynayaasha Puntland, Jubbaland iyo RW.Somalia oo ku shiray Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Shir u dhaxeeya Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadda ka socda hoyga madaxwayne Gaas ee Gaalkacyo.

Wararka P-post uu helayo ayaa sheegaya shirka in looga hadlayo xiisada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug u dhaxaysa iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa dadaal ugu jira sidii loosoo afjari lahaa xaalada taagan iyo sidii qoysaska barakacay magalada loogu soo celin lahaa, dadaalada nabadda waxaa iyana qayb ka ah madaxda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Markii lagu guulaysto heshiiska Gaalkacyo waxaa lagu wadaa madaxdu inay ka hadlaan doorashada 2016 oo aan weli go’aan laga gaarin noocay u dhici doonta maadama Puntland iyo Jubbaland aragtidooda u dhacdey in lagu saleeyo hab deegaan.

Puntland ayaa dhankeeda sheegtay inay mar walba diyaar u tahay ka shaqaynta nabadda iyo daris wanaaga balse aysan wada hadal ka gali doonin dhulkey xukunto.

Dadka sida dhow ula socda xaalada dalka ayaa aaminsan in dagaalka Gaalkacyo ee ka bilowdey jid ay Puntland ka waday xaafada Garsoor gamco kale ku jiraan kuwaasoo doonaya in doorashada dib loo dhigo iyo Iney Puntland aqoon sato Gal-Mudug.

Mamulka Galmudug oo aan inta badan gacanta ku hayn degmooyinka Galgaduud ayaa taageero dhaqaale ka hela dowladda dhexe, balse Puntland ayaa weli aaminsan inuu yahay mamulkaasi mid aan buuxin sharuudihii laga rabey mamul gobaleed ka mid noqonaya Federaalka.

Cali Cabdi Ducale.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>