Garowe(pp) Agaasimaha la-dagalanka Burcad badeeda Puntland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Dirir Ducaysane ayaa shir jaraa’id uu maanta ku qabtay magalada Garowe waxa uu kaga hadlay arrimaha Burcad badeeda.
Ducaysane ayaa ku eedeeyay Danjiraha QM, Somalia ee xilku kasoo dhammaanayo Nicholay Kay inuu dafiray dowrkii Puntland ka qaadatay ciribtirka kooxaha Burcad badeeda, wuxuna sheegay inuu kusoo koobay in Maraakiibta Goosha badda Somalia ilaalo samaysteen iyo in inay ka wareegeen aagihii khatarta ee Burcad badeedu fadhidey, wuxuna ku tilmaamay inay tahay hadalka Kay mid aan laga aamusi karin.
Puntland oo qayb ka ahayd howlgalka la-dagalanka Burcad badeeda ayaa dadaal u gashay sidii aysan mar danbe dhulkeeda Burcadii ugu soo laaban, hase yeeshe hadalka masuulkan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan cabsida laga qabo in Burcad badeed dib ugu soo laabtan badda Puntland.
Kalluumaysiga sharci darada ah iyo Maraakiibta khayraadka iska guranaya ayaa ah arrinta sida weyn looga hadal hayo dhulka xeebaa leh ee Puntland, waxana jira Kalluumaysato badan oo shaqadii isaga baxay ka dib markii Doonyaha iyo Maraakiibta Jariifka ay baabi’iyeen doonyahoodii ku xamaali tagi jireen.
Puntlandpost.com