Gaalkacyo(pp) Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, oo dhowaan ay dagaallo ka dhaceen, ayaa waxaa goor dhowayd lagu kala saxiixday heshiis ka kooban afar qodob.
Heshiiska waxaa dhinacyada dagaalamay u saxiixay labada madaxweyne ee maamulada Puntland, Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo GALMUDUG Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Qodobadda lagu heshiiyay waxaa warbaahinta u akhriyay wasiirka arrimaha gudaha dowladda dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa.
Afarta Qodob ee lagu hesihiyey ayaa kala ah:
1 – In xabadda la joojiyo
2 – In ciidamada la kala qaado
3 – In labada maamul goboleed iyo dawladda federaalka ay fududeeyaan gacanna ka gaystaan soo celinta dadkii ka barakacay magaalada
4 – In la magacaabo guddi saddex geesood ah oo ka shaqeeya xallinta khilaafaadka labada dhinac
Heshiiska waxaa dammaanad-qaade ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, waxaana marqaatiyaal ka ah labada madaxweyne ee mamaul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.