Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynayaasha Puntland iyo Gal-Mudug oo ka hadlay heshiiska ay Gaalkacyo ku gaareen (Dhagayso)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Madaxwaynayaasha Puntland Cabdiweli Cali Gaas, Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay heshiiska maanta ka gaareen xiisadii ka taagnayd magalada Gaalkacyo.

Prof,Cabdiweli Cali Gaas oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inay muhiim tahay nabadda in laga wada shaqeeyo balse waxa uu si cad u sheegay in dagaalku uu ka bilowday waddo Puntland ka dhisanaysey xaafada Garsoor ee dhanka waqooyi, wuxuna sheegay guddiga lagu dhawaaqay ee wada xaajoodka in looga fadhiyo inay sumad u yeelaan arrinta lana baara runta.

Madaxwaynaha Puntland waxa uu sheegay inay mar kasta u taagan yihiin ilaalinta nabadda iyo wada shaqaynta, dhanka kale Gal-Mudug ayuu sheegay in looga baahan yahay inay masuuliyadda ku waajibtay dhankeeda ka qaado.

Docda kale madaxwaynaha Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay heshiiska afarka qodob ka kooban ee la wada gaaray, waxa uu sheegay inuu sidoo kale ka xun yahay dagaalka Galkacyo ka dhacay iyo qoysaskii ka barakacay.

Guuleed waxa uu balan qaaday dhankooda inay dhaqan galinayaan heshiiska maanta la wada gaaray.

Wakiiladii ka socday beesha caalamka ee goobjooga u ahaa wada hadalkan iyo saxiixa heshiiska ayaa soo dhaweeyay qaabka labada dhinac u wada qaateen heshiiska.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa tilmaamay inay guulaysteen dadaaladii nabadda ee Gaalkacyo ka socdey.
DHAGAYSO:- Codadka GAAS iyo GUULEED
Puntlandpost.com
Cali Cabdi Ducale


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>