Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: Daawo Sawirada Xarunta Warbaahinta Dowlada Puntland iyo Xarumo Cusub oo Garowe laga hirgaliyey.

$
0
0

Garowe: (pp)- Dowaladda Puntland ayaa ku guulaysatay 10,April,2013 tijaabadii ugu horaysay oo ay ku samayso Idaacadd cusub oo Dowlada afkeeda ku hadleysa, Waxaana booqdey xarunta idaacadda todobaadkii lasoo dhaafey Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed iyo Xubno ka tirsan Xukuumada , kuwaas oo ka qeyb galey munaasabad kooban oo tijaabada idaacadda loo sameynayey.

Dhismaha Idaacadda oo isugu jira Radio iyo Televion ayaa waxaa uu ka kooban yahay in ka badan 10 qol , iyadoo sida uu u sheegey Puntlandpost Afhayeen Puntland Axmed Cumar (liibaax Joore) ay jirri doonaan dhismayaal kale oo lagu kordhinayo xarunta oo ah mid haysata dhul aad u balaaran.

Xafiiska horre ee idaacada

 

 

 

 

 

 

Qeybaha Idaacadda

 

 

 

 

 

 

 

 

Qeybaha kale ee idaacada

 

 

 

 

 

 

 

Tijaabadii Idaacadda waxaa gacan ka geystey khabiiro ajaaniib ah iyo kuwo dalka u dhashey kuwaas oo ah dadka mashruucan hirgalintiisa gacanta ku haya, waxaana sida uu afhayeenku noo sheegey dhici doonta munaasabad balaaran oo loo sameynayo xarig ka jarista warbaahinta Dowlada marka howsheeda la dhameystiro isla bishan aynu ku guddo jirno.

Idaacadda Puntland ayaa ah hadda mid weli si tijaabo ah hawada ugu jirta, waxayna ka soo gashaa hirarka gagaaban ee Shor-Waves-ka ama SW1 , iyadoona durba laga maqlay deegaano badan oo ka mid ah dhulka Somalidu dego iyo dibada dalka sida uu Puntlandpost u sheegey Libaax Joore.

Anteenada 2

 

 

 

 

 

 

Transmiters

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandpost oo maanta booqatey Xarunta Idaacadda waxaana noo suurto gashey in aanu Akristayaasha uga soo gudbino Sawiro Idaacadda iyo Xarunta TV-ga .

Idaacadda iyo TV-ga ma ahan wali kuwo howshoodu dhameystiran tahay , iyadoo goobta aan wali lagu rakibin qalabkii loogu talo galey , islamarkaana sida uu noo xaqiijiyey afhayeen libaax joore dhawaan la qalabeyn doono , balse hadda waxa idaacadda oo kaliya ku jirtaa tijaabo.

Ilo ku dhow dhow isla xarunta Madaxtooyada Puntland oo ay soo xiganeyso Puntlandpost ayaa u sheegey in 20 April 2013 lagu wado in ay dhacdo xaflada weyn ee xarig ka jarista Warbaahinta cusub ee Dowlada Puntland hirgalisey.

Waxaana kasoo qeyb gali doonaa munaasabadaasi sida ilihu xaqiijiyeen Madax ka socoto beesha caalamka iyo Madaxda Dowlada Puntland, halka lagu casumi doono marti sharaf kala duwan.

Afhayeenka Madaxtooyada

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale waxaa Qeybtan ka daawan kartaa dhismayaasha cusub ee loo hirgaliyey qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowlada Puntland, iyadoona ay xusid mudan tahay inay jiraan dhismayaal kale oo wasaarado kale diyaarinayaan in ay dhistaan, kuwaas oo durba ay dhagax dhigteen , waxaana sida ka muuqaneysa goobtan noqoneysaa magaalo cusub oo kusoo biirtey Garowe kuna yaalaan xarumaha Dowlada badidood .

Daawasho wacan dhismayaasha wasaaradaha qeybtood.

Xarunta wasarada Cafimadka

 

 

 

 

 

 

Xarumaha Cusub 2

 

 

 

 

 

 

 

 

Xarumaha Cusub

 

 

 

 

 

 

 

Xarumahan oo sawiradooda aad daawateen waxa ay ka kooban yihiin ilaa afar xarumood oo wasaaraduhu ka dhisteen agagaarka xarunta Idaacadda iyo Tv-ga Puntland, iyadoona sidoo kale wax yar ay u jirto Xarunta Madaxtooyada Cusub oo dhawan lagu wado in xariga laga jarro

FG: Sidoo kale Puntlandpost waxay idin soo gudbin doontaa hadii allaah yiraahdo sawirada xarumo kale oo cusub sida Xabsiga weyn ee laga dhisey agagaarka xarumaha hadda aragteen iyo Madaxtooyada cusub, sidoo kale Studio- cusub oo cayaaraha loogu talo galey lagana hirgaliyey Agagaarka goobtan iyo xarumo kale oo dhismayaashoodu socdaan.

Kala soo xiriir Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost_Garowe Office.

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>