Bali busle pp)-Laba caruur ah ayaa ku dhintey labo kale way la ildaran yihiin Sun xoolaad ay ku cabeen deegaanka Bali Busle oo ka tirsan gobolka Sanaag sida uu warbaahinta u sheegey maamulka Gobolka Sanaag.
Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa sheegay in caruurta xanuunsanaya ay hadda Koomo ku jirto laguna hayo goob caafimaad oo degaanka ku taal halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Shilkan oo ka dhacay meel baadiye ah ayaa la sheegay inaan loo helin markii hore wax gargaar deg dega iyadoo ilaa iyo haatana aanay jirin cid gacan caafimaad oo buuxda ay ka helaan dadkaasi.
Gudoomiyaha waxa uu intaaas ku daray in soo noqnoqoshada arimahan la xiriirto wacyi gelin la’aan xagga bulshada ah,oo looga baahan yahay in ay fuliso wasaarada Caafimaadka Puntland, oo dadka deegaanku ku dhaliileen in ay ka gaabisey howlo badan oo looga baahnaa.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dad ku sumoobaan Gobolka Sanaag iyadoo bilo ka hor ay jirtey in sidan oo kale ardey wax ka barata iskuul ku yaal Gobolkaasi ay ku sumoobeen daawooyin kiimiko ah oo ay isku dardarayeen.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Bali Busle Sanaag.