Kismaayo(pp) Banaan-bax looga soo horjeeda dagalada Gaalkacyo ku dhexmaray Puntland iyo Gal-Mudug sidoo kalena lagu taageerayo dadaalada nabadda ayaa waxaa maanta lagu qabtay magalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose, iyadoona barnaamijkani soo abaabulay mamulka Jubbaland.
Banaan baxayaasha ayaa isugu soo aruuray fagaaraha Beerta Xoriyada ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay masuulyiin uu kamid yahay Madaxweyne ku xigenka Jubbaland Cabdiqaadir Lugadheere ay dadka kula hadleen.
Gudoomiyaha Gobbolka Jubbada Hoose, Cabdirashiid Cali Goono, Wasiirka Macdanta Jubbaland Maxamed Sheekh Yuusuf, Gudoomiyaha Demada Kismaayo ayaa sidoo kale halkaasi ka jeediyay hadalo ka turjumaya muhiimada nabadda.
Puntland iyo Gal-Mudug ayaa ku heshiiyay afar qodob iyadoona qodobadaasi dadku siyaabo kala duwan u hadal hayaan.
Hoos ka daawo Banaanbixii Kismaayo.