Garowe(PP): Qaar kamid ah dadweynaha Garowe oo ka qayb galay barnaamijka Ra’yiga Dadweynaha ee Radio Garowe waxay badankood ka horyimaadeen heshiiskii maanta ay kala saxiixdeen labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug.
Dadweyanah ayaa sheegay in loo baahan yahay Gaalkacyo in hal maamul loo sameeyo, balse aysan waxba ka badalayn sideedi hore warqad la saxiixay siday sheegeen.
Waxay kaloo sheegeen in Xasan Shiikh Maxamuud uu yimaaden Gaalkacyo oo isagu uu dhameeyo xaalada Gaalkacyo,Cabdixakiin guuleedna uusan dhamayn karin heshiiska Gaalkacyo waa siday hadalka u dhigeen.
Shacabka ayaa xusay inaysan diideen heshiis in lagaaro oo Nabada lawada qaato, balse loo baahan yahay in gunta hoose loo dhaadhaco oo wixii markii hore sababay shaqaaqada lasoo xaliyo.
Dhanka kale waxaa jira qaar kamid ah shacabka Gaalkacyo oo ka horyimi heshiiska Gaalkacyo,iyagoo sheegay in heshiiskan uusan waxba soo kordhinayn.
Halkan Dhagayso Codka.
Xasan Baashe.
Puntlandpost.com