Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynayaasha Puntland iyo Gal-Mudug oo dagaalki maanta ka dib gaari dhexdiisa ku shiray (warbixin)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Ka dib markii maantadii hore uu dagaal magalda Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa galabta waxaa gaariga madaxwaynaha Puntland ku shiray, madaxwaynayaasha Puntlad Cabdiweli Cali Gaas, Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Ra’iisul Wasaare Sharmarke, shirkaa ayaa saldhig u ahaa sidii labada dhinac si rasmi ah u joojin lahaayeen xabadda lana fuliyo heshiiskii shalay.

Sidoo kale shirkan deg dega ah ayaa waxaa lagu wada hadal siiyay Taliyaasha Ciimadda difaaca Puntland iyo Gal-Mudug maadama ay weli goobtii lagu dagaalamay Axadii isku hor fadhiyaan ciidamada ayna keeni karto dhibaato hor leh, labada dhinac ayaa qaatay in si dhab ah heshiiskii shalay loo dhaqan galiyo xabadda joojintana isla caawa laga bilaabo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa labada dhinac u sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan galiyo heshiiska, dagaalkana la joojiyo maadama weli magaladu aysan deganayn oo loo baahan yahay in dib loogu soo celiyo qoysaskii ka barakacay.

Wararka caawa ayaa sheegaya in weli wakiiladii beesha caalamka iyo madaxwaynayaasha Jubbaland iyo Gal-Mudug wadaan dadaalo nabadda taasoo lagu damacsan yahay in labada dhinac dhaqan galiyaan heshiiska.

Dagaalka maanta dhacay ayaa hakiyay socdaal uu RW,Somalia iyo madaxwaynayaasha kale ku tagi lahaayeen dhanka Gal-Mudug halkaasoo lagu waday inay caawa seexdan.

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalka mar kale ksoo cusboonaaday magalada Gaalkacyo wuxuan ku baaqay in la dhaqan galiyo heshiiska.

XIGASHO. WWW.PUNTLANDTODAY.COM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles