Boosaaso(pp)Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Dr. Abshir Yuusuf Ciise iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr. Maxamed Cali Faarax,ayaa maanta booqasho ku tagay Dugsiga sare ee Boosaaso iyo Iskuulka Imaamu Nawawi.
Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa kormeerkooda ugu kuurgalayay habsami u socodka Waxbarasho ee Xarumaha Waxbarashadda ee ka hawlagala magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.
Wasiirada oo ku horeeyay Dugsiga sare ee Boosaaso ayaa waxay soo
dhoweyn balaaran kala kulmeen Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda‘’Bosaso Public Secondary School’’
Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Prof. Abshir Yuusuf Ciise oo la hadlay Ardayda Wax ka barata Dugsiga sare ee Boosaaso ayaa ku dhiiri geliyay inay dalka iyo dadka Wax-u-bartaan,isla markaana ay ku dadaalan sidii ay uga Mira dhalin lahaayen hankooda Waxbarasho.
Prof. Abshir Yuusuf Ciise ayaa Ardayda u sheegay inay ka go’an tahay inay Wasaaradda Waxbarashada ay hormariso tayada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr. Maxamed Cali Faarax oo la hadlay Ardayda ayaa Ardayda ku dhiiri galiyay inay ku tartamaan
Waxbaarshada,taasi oo ah mida lagu qiimaynayo Ardayga.
Intaasi ka dib ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay Kormeer ku tageen Dugsiga Imaamu Nawawi waxayna indha-indheeyeen hannaanka ay Wax-u-baranayaan Ardaydu.
Wasiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa ujeedadooda socdaalkooda ay tahay inay u kuurgalaan Habsami u socodka Waxbarashada,tayada iyo Baahiyaha jira.
Puntlandpost.com
Xafiiska Boosaaso