Allaah Janadii Fardawsa ha ka waraabiye waxaa xalay 3-12-2015 ku geeriyooday magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool Marxuum Jaamac Saadle Cilmi , geerida marxuumka waxaa halkaan tacsi uga diraya guud ahaan reer Cabdullaahi Irbad Aadan iyo ilma Maxamed Warsame Cabdulle .
Waxayna tacsi udirayaan dhammaan ehelkii iyo caruurtii uu ka baxay marxuum Jaamac Saadle Cilmi , waxayna alle uga baryayaan in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaana uu ka siiyo marxuumka.
Inaa Lilaahi wa inaa Ilaayhi raajucuun