Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gaas, Guuleed iyo guddigii dhex-dhaxaadinta oo Airpost-ka Gaalkacyo ku shiray

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Madaxda Puntland & Galmudug ayaa maanta mar kale ku kulmay garoonka diyaaradaha magalada Gaalkacyo.

Kullankan ayaa dabo socdey mid shalay la isku dhaarsadey in ciidamka la kala qaado iyo in xabada deg deg loo joojiyo oo hoggaamiyaasha maanta kulmey dhexmaray.

Kulankan waxaa sidoo kale qayb ka ah RW.Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmarke, madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.wasiirka Cadaalada DF.Cabdilaahi Ilkajiir, culimadda labada dhinac ka degan magalada iyo guddiga dhex dhexaadinta.

Ahmiyada kulankan ayaa lagu sheegay inuu yahay in heshiiskii afarta qodob la dhaqan galiyo iyo in dhinacyada xiisadu u dhaxayso ay dadaalada nabadda sio wadaan.

Taliyaasha ciidamada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa sidoo kale kulankan ku sugan kuwaasoo laga doonayo inay oofiyaan balantii la wada galay.

Culimadda waanwaanta qaybta ka ah ayaa labada dhinac ku adkeeyay mid kasta inuu dowrkiisa kasoo baxo oo dib magalada loogu soo celiyo qoysaskii Barakacay.

Dhanka kale madaxwaynaha DF.Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan deg deg ah kula yeeshay saraakiil sar sare oo caalamka ka socda wuxuna kala hadlayaa xaalada Gaalkacyo oo mar kale degaal shalay ka dhacay.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>