Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidanka Isku-hor fadhiya Gaalkacyo oo galabta kala qaadayo iyo madaxda oo magalada ku lugeynaysa

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Ciidamada isku hor-fadhiya magalada Gaalkacyo ee ka kala socda Puntland iyo GalMudug ayaa lagu wadaa in kala qaado galabta sida maanta ku heshiiyaan labada dhinac ka dib shirkii ku qabsoomey AirPost-ka Cabdilaahi Yuusuf.

Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Odowaa ayaa warbaahinta u sheegay in shirka maanta uu si wanaagsan kusoo dhammaadey dadaalanada nabaddana ay qayb ka qaateen culimadda Gobalka.

Odowaa ayaa sheegay madaxda labada dhinac.RW.Somalia iyo Jubbaland galabta kormeer ku tagi doonaan goobaha ciidanku fadhiyaan ee la kala qaadayo sidoo kale waxay socod lug ah ku mari doonaan qaar ka mid ah magalada taasoo la macne ah inuu dhaqan galay heshiiskii la wada gaaray.

Wararka uu helayo Puntland Today ayaa sheegaya madaxdu tan iyo galabta inay ku sugnaan doonaan garoonka diyaaradaha halkaasoo madaxdu salaadii Jimce ku tukadeen.

Xaalada magalada ayaa maanta deggan mana jirto wax rasaas ah oo la maqlayo.

XIGASHO.WWW.PUNTLANDTODAY.COM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>