Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

WARBIXIN+SAWIRRO: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ballan qaaday in Dawladda Puntland Si Buuxda U dhaqan Gelinayso Xabbad joojinta

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 4-Dec-2-2015 Garoonka Diyaaraha ee magaalada Gaalkacyo  kaga qayb galay kulan looga hadlayey sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii  2-Dec-2015 lagu kala saxiixday Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo ku qotomey sidii loosoo af meeri lahaa shaqaaqadii ka aloosnayd maalmahakan magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisall-wasaaraha Dawladda Federaalka, Madaxweynayaasha Maamulka Jubb-Land iyo maamulka Galmudug,  sidoo kale Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda Puntland, Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan Maamulada Jubb-land iyo Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Dawladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Culimaa’uddiinka labada Dhinac ee Dawlada Puntland iyo Galmudug.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in kulan la isugu keeno saraakiisha ciidamada ee kala hogaaminayey ciidamada iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa qaabkii loo kala  qaadi lahaa ciidamada is hor fadhiya si loo helo nabad buuxda oo ka dhaqan gesha magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Culimaa’uddiinkii kasoo qayb galay kulanka ayaa ku booriyey ciidamada in la joojiyo dagaalka oo maanta laga bilaabo aan xababad dambe kadhicin magaalada  si shacabku u helo nabad iyo xasilooni iyagoona geesta kale ka wacyigeliyey  dhibaatada dagaalku leeyahay iyo Qiimaha uu leeyahay Dhiigga islaamku iyo waxay diinta islaamku ka qabto dagaalada dhex mara dadka muslimiinta ah.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guulee ayaa ballan qaaday inuu diyaar u yahay sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada isla mar’ahaantaana uu maantaba dhaqan gelinayo xabbad joojin Buuxda ciidankiisa dib ugu celin doono meelihii markii hore ay joogeen.

Ra’iisal-wasaare Sharma’arke iyo Madaxweynaha Jubb-Land Axmed Madoobe ayaa ku booriyey Dawladda Puntland iyo Maamulka Galmudug sidii ay si buuxda ugu dhaqan gelin lahaayeen heshiisyadii iyo sidii Nabad iyo Xasilooni waarta loogu soo dabbaalilahaa magaalada Gaalkacayo,  welibana loo muujin lahaa walaalnimo iyo derisnimo wanaag.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goobta ka sheegay inuu diyaar u yahay waxkasta oo nabad waarta lagu heleyo isla markaana sheegay inay si buuxda dawlada Puntland  u dhaqan gelinayso  xabbad joojinta iyo ciidamada la kala qaado.

Ugu danbayntii Taliyaha ciidamada DF Soomaaliya General Maxamed Aadan Axmed, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland General Siciid Maxamed Xirsi, Taliya ciidamada Galmudug iyo dhamaan saraakiishii kale ee kala hogaaminaysay ciidamada ayaa waxay sheegeen inay si buuxda uflin doonaan amaradii fareen Madaxweynayaashoodo.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

IMG_4424IMG_4429IMG_4443IMG_4444IMG_4451IMG_4453IMG_4455IMG_4456IMG_4457IMG_4458IMG_4459IMG_4461IMG_4462IMG_4463IMG_4464IMG_4465IMG_4466IMG_4468IMG_4469IMG_4470IMG_444811


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>