Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xukuumadda Soomaaliya oo dadkii ku dhaawacmay Gaalkacyo keeneysa Muqdisho

$
0
0

Gaalkacyo-(PP)-Ra’aiisul wsaaraha xukuumadda federaalka SoomaaliyaCumar C/rashiid cali ayaa ammar ku bixiyay in si deg-deg ah magaalada Muqdisho loogu qaado dadkii ku dhaawacmay dagaalkii maalmahan ka soconayay magaalada Gaalkacyo.

 
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Cabdiraxmaan Odawaa ayaa saxaafadda u sheegay inuu wasiirka koowaad ee dalka soo faray hadalkan,wuxuuna intaa raaciya in saaka diyaarad qaas ah laga dalbay Xamar taasoo lagu daabulayo dhibbanayaasha ku waxyeeloobay dirita kuwoosoo u badnaa shacab labada dhinacba isugu jira.

 
Guud ahaan xarumaha caafimaadka Gaalkacyo ayaa la tacaalaya baxnaaninta dadkii ku soo dhaawacmay dirirta, iyagoo gacan ka helaya hay’adaha aan dolwliga ahayn maaddaama ay samafalayaashii caalamiga u suurto geli weyday iney ka hawl galaan magaalo uu iska hor imaad ka jiro sida ay todobaadkii hore sheegtay laanta bini’aadannimada ee qaramada midoobay.

 
Sooyaal;PP


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>