Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynayaasha Puntland iyo Gal-Mudug oo caasumaado isku sameeyay (Sawirro)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Madaxada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa magalada Gaalkacyo ku sameeyay caasumaado nabadeed kuwaasoo dabo socda shirarkii nabadda looga wada hadlayay ee labada dhinac u dhaxeeyay.

Madaxwaynaha Gal-Mudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa saakadii hore Khuraac xaafada Baraxley ugu sameeyay madaxwaynaha Puntland,madaxwaynaha Jubbaland, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale, halkaasoo ay labada dhinac madaxdii ka socotay isku xog waraysteen.

Sidoo kale waxaa marti qaadka Gal-Mudug qayb ka ahaa culimadda labada dhinac oo mar kasta wadey wacyi galin iyo waxay diinta Islaamku ka qabto in nabadda laga shaqeeyo.

Wasiirka koowaad ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa tilaabo wanaagsan ku tilmaamay in labada madaxwayne ay shacabka tusaan inuu dhaqan galay heshiiskii afarta qodob ee la wada gaaray.

Dhinaca kale madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoygiisa oo ku yaala waqooyiga magalada Gaalkacyo Qado sharafeey ugu sameeyay dhigiisa Galmudug iyo masuuliyiin kale oo mamulkiisa ka tirsan.

Qado sharafeedkan waxaa kaloo joogay madaxda Jubbaland iyo kuwa DFS,waxayna halkaasi isku dhaafsadeen hadalo kaftan ah iyo baraarujin ku aadan inaysan wax ka wanaagsan jirin heshiis iyo nabadda.

Guddiga loo saaray xiisada Gaalkacyo oo ka kooban dowladda dhexe,Puntland iyo Ga-Mudug ayaa ku mashquulsan weli sidii loo kala qaadi lahaa ciidanka is hor-fadhiya iyo sidii xabad joojinta lagu dhawaaqay loo dhaqan gali lahaa.

Si kastaba, xaalada Gaalkacyo ayaa deggan mana jirto xabado laga maqlayo labada dhinac, waxaase si weyn magalada looga hadal hayaa casumaadaha la is-waydaarsanayo.

84a5f64c

a7643946

beb481af

PUNTLANDNEW-6

PUNTLANDNEW-8

PUNTLANDNEW-10

PUNTLANDNEW-11

PUNTLANDNEW-13


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles