Kismaayo(pp) Hay’adda Teas ayaa manata agab Isboorti gudoonsiisay Wasaarada Arrimaha Bulshada Maamulka Jubbaland, qalabkaas ayaa loogu talagalay in dhowaan la gaarsiiyo kooxaha kubada cagta ee ka dhisan magaalada Kismaayo.
Teas ayaa qalabkaan ku wareejisay masuulyiin ay kamid yihiin Agaasimaha Isboortiga iyo dhalinyarada Jubbaland Burhaan Kukuuyo iyo Suldaan Deeqoow oo kamid ah xubnaha sida weyn uga qeyb qaata hormarka Isboortiga iyo dhalinyarada Jubbaland.
Qalabka maanta Wasaarada la gudoonsiiyay waxaa ku jira qalab loogu talagalay Gabdha kubada Koleyga oo dhowaan tartankooda uu ka dhici doono magaalada Kismaayo.
Wasaarada arrimaha Bulshada ayaa la filayaa in dhowaan ay qalabkaan gaarsiso kooxaha kubada cagta ee ka dhisan magaalada Kismaayo.