Boosaaso(pp)Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Prof Maxamed Cali Faarax ayaa Shahaadada Jaamacaddeed ee bachelorka Guddoonsiisay Dafcadii u horraysay ee ka qalinjabisa Jaamacadda PIDAM, dafacadan oo tiradoodu dhamayd 38 waxay dhamaysteen afar sanno oo Culuumta Maamulka iyo Maaraynta dhaqaalaha.
Munaasabad Ballaaran oo lagu Maamuusayay Ardayda Qalanjabisay oo ka dhacday Hoolka Shirarka ee Hotelka Gacayte ee Magaaladda Bosaso , ayaa waxaa ka qaybgalay wasiir K/xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Guddoomiye K/xigeenka rugta ganacsiga Puntland,Masuuliyiinta jaamacadda PIDAM, aqoonayahano, Waalidiin iyo Boqolaal arday oo wax ka barata Jaamacadda PIDAM.
Guddoomiyaha Jaamacadda PIDAM Prof Maxamed Muumin Yuusuf oo ugu horrayn Daahfuray Xaflada ayaa ugu hambalyeeyay Ardayda qalanjabisay afar sanno oo soo Dadaaleen, ayna gaareen natiijadii iyo Miraheedii.
Guddoomiyaha Jaamacadu waxay uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ay soo martay Jaamacadda PIDAM, waxaana uu sheegay in jaamacadu tahay mirihii ka dashay Machadkii PPTC oo la asaasay sanadii 1996dii, Waxaa kaloo uu ka hadlay kuliyaddaha iyo koorsooyinka ay bixiso jaamacadu.
“Jaamacdu markii u hore waxay ku asaasantahay dugsigii tababarka ee Dekeda bosaso iyo machadkii PIDAM oo dad badani ay ka aflaxeen,” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay
“ bartamihii sanadkii 2013kii ayaa loo bedelay jaamacad, waxayna ka kooban tahay, kuliyadda maamulka iyo maaraynta oo ka kooban labo qaybood, qaybta xisaabaadka iyo dhaqaalaha, Qaybta cilmiga maamulka iyo kuliyadda maamulka guud (Public administration), waxaa kaloo Jaamacada PIDAM ay bixisaa kuliyadda Isgaarsiinta, Caafimaadka Dadweynaha (public health) iyo Koorsooyin gaagaaban” ayuu yiri prof muumin
Munaasabadda Waxaa kaloo ka hadlay Maxamed Mahad Ciise oo ah Guddoomiyaha jaamacadda Bosaso oo u hambaleeyay Ardayda Qalanjabisay, waxaana uu sheegay inuu ka mid ahaa ardaydii u horraysay ee ka qalanjabisa Jaamacada PIDAM, xiligii ay ahayd Machadka
Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Ardayda, isagoo kula dardaarmay ardayda qalanjabisay inay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan, oo aysan u tahriibin wadamo kale. Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdillaahi Aadan Ciise.
Wasiir K/xigeenka Wasaaradda waxbarashadda Dowlada Puntland, Prof Maxamed Cali Faarax oo soo gabagabeeyay Munaasabadda waxaa uu halkaasi ka jeediyay hadal isugu jira dhiirigalin iyo Dardaaaran, uu u jeediyay Ardayda, Waxaana uu jaamacadda PIDAM ku tilmaamay mid taariikh weyn ku leh waxbarshadda Sare ee Puntland.
“ Waxaan u hambalyaynayaa ardayda qalanjabisay iyo maamulka jaamacadda PIDAM oo hormuudka u yahay prof Maxamuud muumin iyo k/xigeenkiisa Prof Cabdinuur Faarax, odoyaashaas oo runtii khibrad badan u leh maamulka waxbarashada Sare, kaalin weyna ka soo qaatay kaalinta waxbarashadda puntland” ayuu yiri
Wasiirku wuxuu uu tilmaamay in Wasaaradda waxbarshadda puntland ay si dhow ula shaqayso jaamacada PIDAM, waxaana uu ku sifeeyay inay hormuud u tahay jaamacadaha dalka ka dhisan iyo guud ahaan waxbarshadda Dalka
Jaamacadda PIDAM ( Ex- PPTC) waxaa la asaasay Sanadii 1996dii, iyadoo asaas u noqotay waxbarashada sare ee Somalia, waxaana ka qalanjabiyay tobonaankun oo dhaliyaro ah, kuwasoo ka shaqeeya dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Puntlandpost.com
Xafiiska Boosaaso