Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

WARBIXIN+SAWIRRO+CODAD:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Gaalkacyo kaga qayb galay kulamo Is-dhexgalka Siyaasadda iyo Bulshada ah looga gollahaa.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka  Dec-5-2015 Xaafadda Wadajir ee Magalaada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug kaga qayb galay quraac sharafeed uu u sameeyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Quraacda ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka Jubba-land,  Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socda Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland, Maamulka Jubbaland, Maamulka Galmudug, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, saraakiisha ciidamada labada dhinac, iyo Culimaa’udiinka Magaalada Gaalkacyo.

Ujeedka quraacda ayaa ahaa sidii loo samayn lahaa isdhexgal siyaasadeed iyo mid bulsho oo abuura  jawi nabadeed iyo xasilooni  maadaama ay magaalada ka aloosanaayeen maalmihii u dambeeyey dhiilooyin colaadeed iyo shaqaaqooyin sababay khasaare nafedeed, mid maal  iyo barakac bulsho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay madaxweynaha dawladda Puntland sida kalsoonida leh ee uu ugaga soo horeeyey is dhexgalka iyo socdaalkii nabadeed ee uu madaxweynaha Puntland kusoo Maray Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca maamulka Galmudug.

Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa geestooda tibaaxay qiimaha uu leeyahay isdhexgalka bulshada iyo midka siyaasadeed iyo weli sida uu jewi xasiloon ugu soo dabbaali karo  bulsho ay shaqaaqo ka dhex dhacday.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdierli Maxamed Cali Gaas ayaa isaguna uga Madahad celiyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug casumaadiisa sharafta leh ee uu uga gollahaa is dhexgalka bulshada iyo kan siyaasadeedba, waxaana uu xusay sida ay calaamad ugu tahay geba-gebada  colaadii  beryahan ka aloosnayd Gaalkacyo.

Geesta kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale qada sharafeed u sameeyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug, islmar’ahaantaana waxaa kasoo qayb galay qado sharaftaasi Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka Jubba-land, Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socda Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland, Maamulka Jubbaland, Maamulka Galmudug, taliyaha ciidanka xoogga dalka, daraakiisha ciidamada labada dhinac, iyo culimaa’udiin.

Dhammaan Madaxdii Kasoo qayb gashay munaasibadii qado sharafta ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dawladda Puntland sida uu diyaarka ugu yahay in nabad la qaato welibana lasoo afjaro shaqaaqadii dhowaan kadhacday Magaalda Gaalkacyo iyo sida uu ubilaabay barnaamijka isdhexgalka bulshada iyo ka siyaasadeedba.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdierli Maxamed Cali Gaas  oo kelimado kooban ka jeediyey  munaasibadda qado sharafta ayaa sheegay inuu ka shaqaynayo sidii loo dardar gelin lahaa isdhexgalkan maanta labilaabay isagoona ugu baaqay dhammaan dadkii ka bara kacay shaqaaqooyinkii dhowaan kadhacay magaalada gaalkacyo inay dib ugu soo laabtaan magaalada.

 

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Halkaan kadhegeyso Codkii Madaxweynuhu ke-jeediyey kulankii Quraacda Gal-mudug.

Halkaan ka-dhegeyso Codkii Madaxweynaha ee Qadadii uu ka-jeediyey

IMG_4601IMG_4602IMG_4625IMG_4628IMG_4633IMG_4636IMG_4637IMG_4641IMG_4642IMG_4643IMG_4644IMG_4648IMG_4649IMG_4650IMG_4651IMG_4657IMG_4674IMG_4687IMG_4688IMG_4698IMG_4699IMG_4709IMG_4711IMG_4714IMG_4720IMG_4725IMG_4728IMG_4733IMG_4751IMG_4752IMG_4753IMG_4767IMG_4775IMG_4779IMG_4784IMG_4806IMG_4815IMG_4819IMG_4830IMG_4833IMG_4883IMG_4885IMG_4888IMG_4893IMG_4906IMG_4911IMG_4912IMG_4913IMG_4919IMG_4922IMG_4923IMG_4929IMG_4930IMG_4931IMG_4932IMG_4933IMG_4937IMG_4938IMG_4940IMG_4945IMG_4947IMG_4949IMG_4954IMG_4957IMG_4958IMG_4959IMG_4960IMG_4961IMG_4962IMG_4967IMG_4973IMG_4974IMG_4975IMG_4976IMG_4978IMG_4990IMG_4992IMG_4993IMG_4994IMG_5000IMG_5010IMG_5013IMG_5017IMG_5022IMG_5026IMG_5037IMG_5042IMG_5049IMG_5053IMG_5061IMG_5069IMG_5075IMG_5077IMG_5078IMG_5080IMG_5090IMG_5092IMG_5095IMG_5097IMG_5098IMG_5104IMG_5106


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>