Garowe(PP): Waxaa socda qorshe buunto lagu saarayo wadadda aada Isbitaalka Garowe oo ku taal waqooyiga magaalada,waxayna dhexmarta tog halkaasi mara.
Maamulka dowladda hoose ee Garowe ayaa sheegay in wadadaasi ay muhiim utahay dadweynaha, islamarkaana magaalada xarumo muhiim u ah ku yaalaan meesha Buunta lasaarayo.
Waxaana Buuntadu isku xiri doonta isbitaalka,Jaamacadaha, xarumaha dowladda sida madaxtooyada iyo Magaalada,maamulka dowladda hoose ayaa sidoo kale sheegay in Ardayda loo galo wadadaasi oo looga furto Mobilada.
Duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo la hadlay Radio Garowe waxaa uu sheegay in dowladda hoose ay wado qorshaha Buuntada lagu saarayo wadadaasi,isagoo tilmaamay inay dhismaha wadadda kala shireen qurba joogta Puntland.
Xasan Goodir ayaa carabaabay in hada ay socdaan qiimayn lagu samaynayo wadadda, islamarkaana injineero ay qiimayn ku samaynayaan sida loo dhisayo wadadda, iyo lacagta ku baxaysa,qaarkamid ah xarumaha waaweyn ee ganacsiga ayuu sheegay inay kala hadleen siday uga qayb qaadan lahaayeen wadadda.
Goodir ayaa xusay inaysan jirin Ha’yadda gacan ka siinaysa dhismaha wadadda, islamarkaana ay ku dhisayaan isku tashi.
Xasan Maxamed Ciise ayaa olalihiisii doorashada ay ku jirtay inuu buunto saari doono wadadda aada Isbitaalka,waxaana uu dhawaan ardayda Jaamacadaha kala shiray siday qayb uga qaadan lahaayeen dhismaha Buuntada.
Halkan ka Dhagayso Cod.
Xasan Baashe.
Puntlandtoday.com