Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwayne Gaas oo sheegay iney midoobo doonto Gaalkacyo (Dhagayso)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay inay muhiim tahay ka shaqaynta nabadda Gaalkacyo, dhankooda ay mar kasta ka go’an tahay inay dowrkooda wanaaga muujiyaa.

Gaas waxa uu sheegay Puntland iyo Gal-Mudug inay ka weyn tahay Soomaalinimada iyo Islaannimada, sidaasi darteena ay juhdi badan galinayaan sidii nabadda looga wada shaqayn lahaa, madaxwaynaha ayaa sheegay inay jiraan dad wax ka sheega madaxda balse ay wanaagsan tahay in wax lagaa sheego adigoo wax wanaagsan qabanaya.

Hadalkan ayuu ka jeediyay caasumaad qado uu madaxda Gal-Mudug ugu sameeyay hoygiisa oo ku yaala waqooyiga magalada Gaalkacyo, wuxuna sheegay wixii dhibaato dhacday inay halkaasi ku dhammaato oo dib magalada loogu soo celiyo dadkii ka barakacay.

Madaxwayne Cali ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in magalada Gaalkacyo mid noqon doonto mustaqbalka dhow, ugu danbeyntii dadaalada nabadda ayuu uga mahad celiyay madaxdii ka qayb qaadatay.
DHAGAYSO CODKA PROF.GAAS ee GAALKACYO
DHAGAYSO-


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>