Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo RW Sharmaake oo Casumaad Sharafeed Loogu Sameeyey Deegaanka Heema

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Dec, 6, 2015 deegaanka Heema ee Gobolka Mudug kaga qayb galay qado sharaf  uu isaga iyo Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne ku-geenka Jubba-land  u sameeyey   Sheekh Maxamed Sheekh Cabdulaahi Baardheere.

 

Sheekh Maxamed Sheekh Cabdulaahi Baardheere oo kamid ah culimada Soomaaliya sida weyn looga yaqaano ayaa marti qaadka u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland , Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaliya, Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba-Land iyo Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladda Puntland iyo Maamulka Jubba-land.

 

Qado sharafta ayaa ujeedkeeda ugu weyni wuxuu ahaa soo dhoweyn uu shiikhu u samaynayey Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya iyo weftigii uu hoggaaminayey iyo Weftigii maamulka Jubba-Land oo  Puntland u yimi  sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xal u helidda dhiilooyinkii colaadeed ee beryihii ugu dambeeyey ka aloosnaa  Magaalada Gaalkacyo.

 

Shiikha iyo culimadiisii ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland ku ammaanay sidii uu u muujiyey bisaylka welibana uu  dushana ugu ritey culays kasta oo nabadda gaalkacyo lagu raadinayey, sidoo kale waxay Ra’iisul wasaaraha Dawadda Federaalka, iyo Madaxda Maamulka Jubba-land ku ammaaneen gurmadkii nabadeed ee ay kaga qayb qaateen shaqaaqooyinkii kadhacay magaalada Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli maxamed Cali Gaas oo madasha qado sharafa hadal ka jeediyey ayaa uga mahadceliyey shiikha iyo culimadiisaba casumaadda ay u sameeyeen isagoona ku ammaanay sida dhiiranaanta leh ee ay uga qayb qaadanayaan culimadu soo afjaridda shaqaaqadii kadhacday Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale madasha ka sheegay inaanu marnaba raali k ahayn colaad sokeeye oo Gaalkacyo ka curata  isla mar ahaantaana uu ka-xunyahay wixii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, welibana uu diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu soo afmeerayo colaadda soo noq-noqotay ee Gobolka Mudug.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa isaguna geestiisa ku ammanay shiikha iyo culimadiisa dedaalada nabadeed ee ay kaga qayb qaadanayaan shaqaaqadii Gaalkacyo kadhacday isagoona sheegay inay maanta gaalkacyo kajirto nabad buuxda oo laysku hallayn karo oo ay sabab u tahay go’aanadii geesinimada lahaa ee ay qaadatay Dawladda Puntland oo ahaa isu tanaasulka iyo  hirgelinta heshiisyadii lagu daminayey shaqaaqadii kadhacay gaalkacyo.

 

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

IMG_5205IMG_5210IMG_5211IMG_5216IMG_5218IMG_5225IMG_5226IMG_5228IMG_5229IMG_5236IMG_5239IMG_5240IMG_5242IMG_5243IMG_5244IMG_5245IMG_5246IMG_5247IMG_5249IMG_5251IMG_5261IMG_5267IMG_5268IMG_5269IMG_5274IMG_5275IMG_5279IMG_5280IMG_5304IMG_5308IMG_5325IMG_5330IMG_5333IMG_5336IMG_5339IMG_5342IMG_5347IMG_5349IMG_5350IMG_5360IMG_5363IMG_5365


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>