Gaalkacyo(PP):Waxaa wali kusugan magaalada Gaalkacyo Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Cumar Cabirashiid,Madaxweynaha Jubbaland, iyo labada madaxweybe ee Puntland iyo Galmugu,waxaana socda sidii loo dhaqan galin lahaa heshiiskii dhawaan ay kula saxiixdeen Gaas iyo Cabdixakiin Gaalkacyo.
Shalay galab ayaana laka qaaday ciidamada labada dhinac oo awal is horfadhiyey,waxaana lagu wadaa in lamagacaabo guddi nabada galyada oo ka koobnaan doona labada dhinac iyo dowladda Fadaraalka.
Kusimaha gudoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in xaalada magaalada Gaalakcyo ay dagan tahay, islamarkaana ciidamadii laka qaaday, wuxuuna tilmaamay in galabta Puntland ay soo magacaabayso guddiga nabadgalyada Gaalkacyo xubnaha ay ku leedahay, walow uusan sheegin tirada xubnahaas.
Axmed Muuse ayaa carabaabay in masuuliyiintu ay wadaan wali da daalada Nabadeed waxaa uuna sheegay in Maanta ay eegayeen wixii ka qabsoomay heshiiskii labada dhinac.
Shacabka ka barakacay magaalada ee labada dhinac ayuu sheegay inaysan ku soo laaban magaalada,isagoo xusay inataasi ay mudo qaadaynayso.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Puntlandpost.com
Xasan Baashe.