Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiir Haweenka oo la kulantay Shacabka Buurtinle

$
0
0

Garowe(PP): Wasiirka Haweenka Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa maanta la kulantay Shacabka magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal,waxayna usoo gudbiyeen baahiyaha Dumarka.

Anisa oo safarkeedu salka ku hayey olalaha 16ka maalmood ee looga hortagayo shaqaaqooyinka loogaysto Haweenka sida kufsiga,ayey shacabka kawada hadleen in kufsiga Haweenka lagu dhameeyo Maxkamadd.

Wasiirka ayaa ka codsatay Odayaasha iyo qaybaha kale ee bulshada in kufsiga Gabdhaha lagu dhameeyo maxkamadd, islamarkaana aan si hoose loo dhamayn lagana gudbo xeer hoosaadka dhaqanka.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegtay in baahiya ay usoo gudbiyeen shacabka Buutinle ay wax qaban doonaan,waxayna xustay in maalinta bari ah degmada laga dhagax dhigi doono xarunta Haweeenka,xaruntaas oo ka shaqayn doonta hormarinta Haweenka.

Wasiirka Haweenka Anisa ayaa sidoo kale ka qayb gashay kulan looga ahdlayey 16ka maamlmood ee looga hortagayo shaqaaqooyinka loo gaysto Haweenka,waxana sidoo kale kulanka kasoo qayb galay maamulka degmada iyo shacabka.

Kulanka intuu socday ayaa laga wada hadlay sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka loogaysto Haweenka islamarkaana ay raga ula qayb san lahaayeen shaqooyinka.

Anisa Xaaji ayaa sheegtay in loo baahanayhay in laga hortago shaqaaqooinka Haweenka,waxayna xustay in Dumarka aan la takorin oo shaqooyinka ay Raga kula tartamaan.

Puntlandpost.com.

PP.Puntlandpost.@gmail.com.

Xasan baashe.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>