Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Puntland oo beri ku wajahan magalada Muqdisho

$
0
0

galka1Gaalkacyo(pp) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke, madaxda mamulada Puntland,Galmudug iyo Jubbaland ayaa maalinta berito ah ku wajahan magalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Socdaalkooda ayaa salka ku haya ka qayb galka shirarka looga hadlayo Hiigsiga 2016, iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa nooca ay noqon doonto doorashada dhici doonta.

Shirarka Hiigsiga ayaa istaagey ka dib markii dagaal ku dhexmaray magalada Gaalkacyo Puntland & Gal-Mudug kaasoo ugu dambeyntii xal laga gaaray, shirka Muqdisho ka furmaya ayaa ahaa mid horay loogu balan sanaa balse wuxuu ka duwanaan doonnaa kii hore maadama Puntland iyo Gal-Mudug wada socdaan.

Aragtida shacabka ee la xariira doorashada ka dhici doonto dalka ayaa ku kala qaybsan. Mamulada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay inay ku haboon tahay in lagu saleeyo hab deegaan halka Galmudug iyo Koonfur galbeed soo jeediyeen in lagu galo doorashada nidaamkii 4.5 kaasoo hadda dowladdu ku dhisan tahay.

Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay inaysan waqtigan munaasib ahayn in dib loogu laabto nidaamka afar dhibic shan kaasoo qabiilada qaarkood awood siinaya.

XIGASHO WWW.PUNTLANDTODAY.COM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>