Boosaaso(pp)Taliyaha Ciidanka Boliska Puntland Cabdirisaaaq Maxmuud Yusuf Afguduud oo manta warbaahita ku lahadalay Isbitaalka Boosaaso ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Alaha unaxariistee Taliyihii Ciiidanka ilaalada Garoonka Boosaaso Xasan Shire Amaan oo manta lagu dilay afaafka hore ee garoonka Bososaaso
“waxaana u tacsiyaynaayaaa Eheladii iyo qaraaadii marxuumka Xasan Shire Amaan ,Caruurtiisii,Ciidanka Boliska Puntland ,Ciidanka Boliska Soomaaliyeed iyo dhamaaan shacabaka Puntland , marxuukan waxaan leeyahay ilaahay Janadii fardowso haka waraabiyo” ayuu yiri Taliyaha
Taliyaha Ciidanka Boliska Puntland Cabdirisaaaq Maxmuud Yusuf Afguduud oo wax laga waydiiyay in ay wax saamayn ah ku yeelan Karto dilka Taliyaha ciidanka ilaalada Garooonka Boosaso Shaqadii ka socotay garoonka ayaa sheegay in aysan wax samayn ah ku yeelan Karin shaqada ka socoto garoonka Boosaso , waxaana uu xusay in dhacadaan ay ka dhaxdhacaday Sargaal iyo Ciidankiisa, balse aanan lug kulahayn Shaqada Garoon Ka socotay
Xafiiska Boosaaso
Puntlandpost.com