Gaalkacyo(PP):Waxaa hadda garoonka diyaaradaha maagalada Gaalkacyo ka duushay diyaarad sida Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxwaynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuled, kuwaasoo ku wajahan magalada Muqdisho oo labo beri ka dib lagu wado inuu ka furmo shir looga hadlayo doorashada 2016.
Madaxda ayaa la rumaysan yahay inay ku kala aragti duwan yihiin doorashada habka loo wajahayo maadama Puntland iyo Jaubbland ay qabaan in lagu saleeyo hab deegan halka dowladda dhexe iyo mamulda kalena ay qabaan in lagu galo dorashadaasi nidaamkii 4.5.
Dhinaca kale saaka waxaa magalada Gaalkacyo ka dhoofay madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo qayb ka ah shirka Muqdisho ka furmaya 10-la bishaan, wararku waxay sheegayaan madaxda Villa Somalia inay Gaas iyo Madoobe ku qancin doonaan inay la qaataan nidaamka 4.5.
Puntlandpost.com