Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaaminayo ayaa galabnimadii maanta safar shaqo ugu anba baxay magaaalada Muqdisho iyagoo ka dhoofay garoonka diyaaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaaa magaalada muqdisho uga qayb geli doona shirka Madasha wada tashiga qaran ee doorashada 2016 iyo kulamo kale oo ku saabsan barnaamijka New Deal, shirarkaas oo socon doona maalmaha soo socda.
Shirka wada tashiga qaran ee uu Madaxweynuhu ka qayb geli doono ayaa furmaya maaalinimada beri ah oo bishu tahay Dec 08, 2015 isagoo socon doona mudo laba maalmood ah, shiekasoo ay kasoo qayb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Jubbaland , Madaxweynaha Koonfurt Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo dhamaan xubnaha beesha caaalamka.
Shirka ayaa diirada lagu saarayaa mustaqbalka Soomaaliya iyo dhankii loo kici lahaa 2016.
–|DHAMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Halkan Ka Dhagayso Codka Madaxweyne Gaas iyo Masuuliyiinta kale.
Codka:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwli Maxamed Cali Gaas.
Codka:- Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed
Codka:- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.