Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi Uu Hogaaminayo oo si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Muqdisho.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaaminayo oo maanta gelinkii danbe ka anba baxay magaalada Galkacyo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee  Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku weheliyeen Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland ayaa warbaahinta kula hadlay Magaalada muqdisho, waxayna sheegeen in safarkoodu uu la xiriiro sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirka madasha wada tashiga qaran ee doorashada Soomaaliya 2016.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in ay si nabad ah ku dhamaatay shaqaaqadii dhowaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay ka shaqayn doonaan sidii loo adkayn lahaa nabad gelyda iyo isdhex galka bulshada magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulamo gaar gaar ah caawa ku yeelanaya magaalada muqdisho, kualamadaaas oo salka ku haya xaaladaha siyaaasadeed ee dalka iyadoo maalinta beri ahna uu furmi doono shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee Doorashada Soomaaliya 2016

–DHAMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

IMG_5382IMG_5384IMG_5388IMG_5393IMG_5402IMG_5404IMG_5426IMG_5433IMG_5434IMG_5441IMG_5447IMG_5452IMG_5456IMG_5463IMG_5467IMG_5470IMG_5482IMG_5483IMG_5488IMG_5505IMG_5515IMG_5520IMG_5534IMG_5542IMG_5544IMG_5547IMG_5548IMG_5554IMG_5556IMG_5561IMG_5562IMG_5563IMG_5567IMG_5568IMG_5570IMG_5571IMG_5572IMG_5573IMG_5574IMG_5575IMG_5576IMG_5579IMG_5580IMG_5581IMG_5591IMG_5596IMG_5598IMG_5605IMG_5607IMG_5608IMG_5616IMG_5621IMG_5624IMG_5627IMG_5628IMG_5629IMG_5630IMG_5633

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>