Garowe(PP):Wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid ayaa ka waramaya dhismayaasha Garoomada Bosaso oo socda iyo kan Garowe oo dhawaan la bilaabayo.
Ugu horayn wasiirka oo la hadlat Radio Garowe ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Taliyihii ciidamda ilaalada Garoonka bosaso oo shalay lagu dilay bosaso,waxaa uuna eheladii qaraabadii iyo ciidankii uu ka geeryooday uga baryey inuu illaahay ka siiyo samir iyo Iimaan.
Wasiirk ayaa xusay in dilka taliyaha aysan saamayn ku yeelan doonin howsha ka socota Garoonka iyo Amaankiisa,waxaa uu hadalkiisa ku daray in dilka Taliyaha aysan ahayn aano, balse ay ku kacday si caro ah.
Dhanka kale Xasan Xaaji Siciid ayaa sheegay in dhawaan lasoo gaba gabayn doono dhismaha Garoonka bosaso hdan howshiisu ay marayso meel gabo gabo ah,islamarkaan bishan ay dhamaandoonto shaqadiisu.
Isagoo tilmaamay in bishan 10keeda la filayo inay bilaabatay dhismaha garoonka Garowe,9ka bishan ayuu sheegay in shaqada garoonka loo wareejin doono Garoonkii hore ee Garowe ee Kanooko.
Waxaa uu sheegay in shaqaalihii dhisi lahaa Garoonka ay hada jogaan, qalab ka dhiban dhiismaha ayuu tilmaamay in bosaso kasoo dagi doonaan ilaa bari.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Puntlandpost.com.