Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Iskuulka Al-Khaliil Academy Kenya oo la soo xiray Sanad Dugsiyeedka 2014 iyo 2015 (Sawirro)

$
0
0

Nayroobi(pp) Munaasabadka balaaran oo lagu soo xirayay Iskoolka Al-Khaliil Academy,ee sanad dugsiyeedka 2014-ka iyo 2015,ayaa lagu qabtay Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb-galay Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda Al-Khaliil Academy,Waalidiin iyo Marti Sharaf kale oo lagu casumay,waxaana lagu furay Aadaha Qur’aanka Kariimka ah.

Gudoomiyaha Al-Khaliil Academy Al-ustaad Maxamed C/qaadir Mullah oo Munaasabada ka hadlay ayaa ugu horey u Mahadceliyay ALLAH (SWC) iyo dhamaan Marti Sharaftii Munaasabada ka soo qayb gashay.

Maxamed C/qaadir Mullah ayaa ardayda ku dhiira-geliyay iney ku dadaalaan Waxbarashadda,waxaana uu ugu bishaareeyay iney ka qeyb gali doonaan Sanadka soo socda Imtixaanka Qaranka Kenya.

Ardayda Al-Khaliil Academy oo u muuqday kuwo aad loo tarbiyeeyay ayaa soo bandhigay Khudbado ku baxayay afafka Carabi iyo Ingriis iyo Riwaadao,Axaadiis,Nashiidooyin iyo Duceeyeen dadku u khushuuceen.

Maamulaha Al-Khaliil Academy Macalin Cabdi oo Munaasabada ka hadlay ayaa yiri”Fee-ga Termkii Hal Mar Ayaa Loo Baahan Yahay In La Bixiyo,Uniformka Waa Ardayda Loo Dhamaystiraa Iyo Buugaagta Ay Wax Ka Akhristaan”.

Sheikh Jacfar Xaaji Cali oo Munaasabada ka hadlay ayaa u Mahadceliyay Maamulka iyo Ardayda,sida wanaagsan ee ay wax u bareen ardayda,isagoo ardayda uga Mahadceliyay dadaalkii iyo dul-qaadkii ay sameeyeen intii ay Waxbaranayeen.
Maamulaha Saad Nursery and Primary Schools oo uu ka tirsan yahay Al-Khaliil Academy Mr: Richard Omolo ayaa ka Warbixiyay Mu’sasada Saad Group of School,Horumarkii ay samaysay iyo Qorshaha dhow ee u yaalla.

Mr: Richard Omolo ayaa Sheegay in Saad Group Of Schools ay kaalinta labaad ka galeen 100 Iskool ee ku yaalla Xaafadaha Degmadda Kamakunji,isagoo aad ugu Mahadceliyay Maamulka iyo Macalimiinta oo dadaal dheeraad ah sameeyay.

Munaasabada ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan,waxaana Ardaydii fasal walba u galay Kaalimaha Koobaad ee Waxbarashadda iyo Akhlaaqda la gudoonsiiyay abaal-marino qaali ah oo ay aad ugu farxeen.
1

2

3

4

5

6

7

8

10
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>