Garowe(pp) Iyadoo weli wasaradda Haweenka iyo horumarinta arrimaha Qoyska Puntland ku jirto qabashada barnaamijyada looga hadlayo 16-ka beri ee shaqaaqooyinka iyo tacadiga haweenka ayaa maanta waxaa xarunta wasaradda lagu qabtay dood salka ku haysa tacadiga haweenka xagga waxbarashada iyo shaqooyinka.
Doodan oo uu qabtay Xasan Abuukar Cali (Baydhabo) waxaa ka qayb galay Xaliimo Jaamac Cali, Cabdirisaaq CabdilaahI Maxamed, Farxan Maxamed Nuur iyo Filsan Axmed Shiikh Nuur kaasoo wax badan ka iftiimiyay awooda haweenku u lee yihiin xaga shaqada iyo waxbarashada.
Wasaradda Haweenka Puntland ayaa dadaal ugu jirta sidii dowrka haweenka ee xaga siyaasada iyo shaqooyinka iyo waxbarashada kor loogu qaadi lahaa, waxaana arrimahaasi barbar socda wacyi galino la siinayo iyo tababaro ku aadan shaqooyinka ay hayaan.
Halkan hoose ka dhagayso dooda oo arrimaha haweenka ka hadlaysa.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe