Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xildhibaanada Maamulka Koonfur galbeed oo Baydhabo lagu dhaariyey

$
0
0

Baydhabo(PP):Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur galbeed waxaa maanta lagu dhaariyey 89 Xildhibaan oo ka tirsan 105 xildhibaan oo la rabo inuu yeesho maamulka Koonfur galbeed.

Goobta lagu dhaarinayey xildhibaanada waxaa joogay madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan,Odayaasha soo xulay Xildhibaanada iyo dadweyne kale,9 kamid ah waxay ahaayeen Haween kuwaas oo lagu muransana soo xulistooda.

Madaxweyne Shariif oo goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada la dhaariyey inay kaso baxaan howsha loo igmaday, isagoo Odayaasha ujeediyey in Xildhibaanada kale ee harsan ay si deg deg kusoo xulaan.

Mudooyinkan dambe ayey beelaha dega sedexda gobol ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ku muran sanaayeen siday uqayb sanayaan Xildhibaanada, waxaana jira sida la sheegay beelo saluug ka muujiyey Xildhibaano ay helaan,balse hada waxaa muuqata in laga gudbay muran jiray awal,waxaana lagaranayn waxa lagu xaliyey.

Puntlandpost.com
Xasan baashe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>