Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Duqa degmada Garowe oo kormeeray suuqa khudaarta iyo hilibka Garowe(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay suuqa weyn ee lagu iibiyo hilibka iyo khudaarta, kaasi oo dhawaan dayactir lagu samayn doono.

Xasan Goodir ayaa u kuurgalay baahiyaha dadweynahu qabaan, waxayna u soo gudbiyeen codsiyo dhawr ah arrimood oo ay ku jiraan in laga badalo soollar ku xiran saqafka kore ee suuqa, marawaxado iyo loogu xiro safiitooyin.

Waxa uu mid mid u waraystay haweenka suuqweynaha ku ganacsada, waxayna u sheegeen inay haysato dhibaato xooggan isla markaana u baahanyihiin in xaaladooda wax laga qabto.

Gudoomiyaha degmada oo kormeerka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dhawaan dacaytir ballaaran ku samayn doonaa suuqa iyo dhammaan goobta uu ku yaallo oo lagu magacaabo Injida, wuxuuna xusay in arrintaasi gacan ka gaysanayso hay’adda NRC.

“Runtii, waxaan dayactir ku samayn doonaa suuqa iyo dhammaan Injida, waxaana qorshaynayaa inaan ka dhigno mid ka wanaagsan sida hadda ay tahay, waxaana sidoo qorshaynaynaa inaan Town Plan y samayno Injida oo runtii hawlbowle u ah ganacsiga iyo adeegga bulshada”Ayuu yiri guddoomiyuhu.

Duqa degmada ayaa carrabka ku dhuftay inay bulshada ugu adeegayaan
canshuurta ay labaxaan, taasina tahay waajibka saaran.Waxa uu u mahadceliyay dhammaan Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Garowe, NRC iyo bahda saxaafadda oo uu sheegay inay kaalin muuqata ka gaysanayaan hormarka caasumadda Garoowe.
IMG_7219
IMG_7238

IMG_7222

IMG_7219

IMG_7214

IMG_7208

IMG_7206

IMG_7200

IMG_7198

IMG_7196

IMG_7190

IMG_7188

IMG_7184

IMG_7183

IMG_7181

IMG_7170

IMG_7169

IMG_7167

IMG_7163

IMG_7159

IMG_7155

IMG_7153

IMG_7143

IMG_7130
Xafiiska wararka
degmada Garowe
degmadagarowe@gmail.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>