Kismaayo(pp) Wasaaradda Arrimaha Bulshada Jubbaland iyo Uururka Haweenka Degmada Kismaayo ayaa markii ugu horaysay magaalada Kismaayo ka hirgeliyay Koox Gabdha ah oo dheeli doona Kubada Kolayga.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horay uga jiray Kubada Cagta ee ragga hasayeeshee wixii hadda ka dambeeya waxaa magaalada ka bilaaban doona Tartamada Gabdhaha ee Kubadda Kolayga.
Wasaarada arrimaha Bulshada Jubbaland ayaa maanta qalab isugu jira Dhar, Kabo iyo agab kale gudoonsiisay kooxda Gabdhaha ee Kubada Kolay ee magaalada Kismaayo.
Wasiirka arrimaha Bulshada Jubbaland Macallin Maxamed iyo masuulyiinta Wasaaradda ayaa maanta ka qeybgalay munaasibada Gabdhaha lagu gdoonsiinayay Qalabka.