Muqdisho(pp) Madaxwaynaha DFS, Xasan Shiikh Maxamud ayaa sheegay in ka mid ah dhaqaalihii Soomaaliya loogu deeqay soo gaareen balse ay u baahan tahay nidaam mamul, waxa uu hadalkiisa raaciyay dhaqaalaha New Deal-ka loo baahan yahay inuu nolol u abuuro dadka.
Hadalkan ayuu ka jeediyay casho sharaf uu usameeeyey madaxda maamul goboleedyada oo ka dhacday xarunta gobolka banaadir waxa uu sheegay inay u baahan yihiin in la abuuro mashaariicyo dadku shaqo ka heli karaan, waxa uu sidoo kale sheegay inay u baahan yihiin in caalmku dhagaysto dhawaaqa Soomaaliya si wax looga qabto.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay dadku inay nolal ka heli karaan abuurista mashaariicda biyaha,warshadaha iyo laamiyada, wuxuu cadeeyay inaysan caalamku ka ahayn wax cudur daar ah oo ku aadan inay ka jawaabto baahiyaha DFS ee xagga horumarka.
”Soomaaliya,Soomaaliyadii shalay ma ahan baahi ka duwan tii hore ayay qabtaa,aduunyaddu waxana lee nahay ha nala wada-dhagayso waxa aan sheegayno wax ka mid ah la qabto” Xasan Shiikh Maxamuud ayaa yiri.
Khudbadiisa ayuu xooga ku saaray xagga horumarka gaar ahaan dhismaha wadooyinka oo qaarkood bur bur xoogan ka muuqdo iyo hirgalinta barnaamijyo shaqo abuur samaynaya si dhalinyaradu uga baaqsadaan qaadashada qoriga iyo dagaalka.
Hoos ka dhagayso Khdubadii madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com