Kismaayo(pp) Taliyaha Ciidamada AMSIOM Gen Jonathan Rono oo ay waheliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ay kamid yihiin saraakiil ka socday Ciidamada Itoobiya ayaa maanta gaadhay magaalada Kismaayo.
Taliyaha AMISOM iyo saraakiisha kale ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa ay halkaasi kula kulmeen saraakiisha AMISOM ee ku suggan garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Saraakiisha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay xarumaha la dajin doono Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ee la filayo in dhowaan ay soo gaaraan magaalada Kismaayo si ay u badalaan Ciidamadii Siraloyoon.
Intaasi kadib Taliye Gen Jonathan Rono iyo saraakiisha kale ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay masuulyiin uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeynka koobaad ee Jubbaland Gen. Cabdullaahi Fartaag.
Msuulyiinta Jubba iyo saraakiisha AMISOM ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmaha soo socda ku soo wajahyan magaalada Kismaayo iyo howlgal la sheegay in Ciidamada AMSIOM ay dhowaanka bilaabi doonaan deegaanada Jubbaland.