Garowe(PP): Xuseen Xaaji Yuusuf oo ahaa Agaasime ku xigeenkii Telefishinka iyo Raadiyaha Puntland ayaa maanta is casilay. Xuseen ayaa kal hore madaxweynaha Puntland jagadan u magacaabay, waxa uuna Xuseen ahaa ganacsade qurbajoog ah.
Mudane Xuseen oo maanta gelinkii hore la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa yiri: Waxaan go,aan saday inaan iska casilo shaqadii aan u hayey talefishinka iyo raadiyaha dowladda Puntland maanta oo tariikhdu tahay 10 December 2015 sababo la xiriira danahayga gaarka ah iyo inaan dib ugu noqdo how maalmeedkaygii jagadan ka hor. Iscasilaadayda waan u gudbiyey madaxweynaha dawlada Puntland oo horay isagu jagadaan ii magacaabay wuuna iga aqbalay waana uga mahad celinayaa magacaabistii hore iyo aqbalaadda iscasilaadayda labadaba. Waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhamaan Shaqaalaha talefishinka iyo raadiyaha dowladda Puntland iyo dhamaan warbaahinta Puntland oo runtii aan saaxiibo badan ku yeeshay madaama wada shaqayni naga dhexaysey.
Ugu damayn waxaan u rajeynayaa talefishinka iyo radiyaha dowladda Puntland horumar iyo baraare guud ahaan Puntland iyo inta soomaalinimada jecelna waxaan Ilahay uga baryayaa nabadgelyo iyo barwaaqo.