Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro:- Masuuliyiin kasocda Dawladda Puntland iyo Federaalka oo Cusbitalka Digfeer ku boqday Dadkii ku dhaawacmay Dagaalada Gaalkacyo

$
0
0

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cawke iyo masuliyiin uu hoggaanayo ayaa maanta oo jimce ah booqday Cusbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku suganyihiin dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen shaqaaqooyinki dhowaan kadhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Masuuliyiintaas oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle , Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland, Xildhibaan Liibaan Cabdiraxmaan Cismaan oo kamid ah Golaha Wakiiladda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq Saleebaan Yuusu, Af-hayeenka Dawladda Puntland Cabdulaahi Quraan-jecel iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa ujeedka booqashadoodu ahaa sidii ay xog rasmi ah uga heli lahaayeen dadkii ku dhaawacmay Shaqaaqooyin kadhacay Magaaalada Gaalkacyo oo Mudisho loo keenay in lagu dabiibo.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland iyo masuuliyiintii socdaalkiisa ku wehelisey ayaa soo kormeeray dhammaanba dhaawacyadii labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyagoona warbixino ka dhegeystey dadkii gacanta ku hayey bukaannadaasi iyagoona usheegay inaanay daryeelkii ay filanayeen aanay ka helin cusbitalka marka laga reebo wax xoogaa dhaymooyin ah welibana dhaawacyada badidooda aan halkaan waxba looga qaban karin.

Wasiirka ayaa intaasi kadib warfidiyeenka kula hadlay gudaha cusbitalka isagoona sheegay cusbitalku inuu markii hore fiicnaan jirey balse hadda aanu waxba kaga duwanayn cusbitaalada kale ee dalka.

“waxaa naloo sheegay cusbitaalku markii hore ee uu cusbaa inuu ahaa cusbitaal wax-qabta oo macne badan leh balse hadda waxba kagama duwana cusbitaalada kale ee dalka” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiirka ayaa sido kale ku tilmaamay cusbitalka mid markiisii hor loo han weynaa balse hadda uu hankaasi hungoobey”dadka waxaanu halkaan ugu soo gudbiney waxaanu is lahayn waa cusbitaal Turki oo dadka si wanaagsan wax loogu qabanayo, balse hadda dhaawacyada badidooda halkaan waxba loogama qaban karo macneheedu waxaa weeyaan waa in la helo Badiil” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dadka aan halkaan waxba looga qaban ay u raadinayaan meeshii kale ee wax looga qaban karo iyagoo la kaashanayaa wasaaradda Caafimaada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu damaanad qaaday la tacaalidda Dhammaanba dhaawacyadaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Magaalada Muqdisho u jooga hawlo shaqo oo tiro badan ayaa masuuliyiintan u wakiishay inay uga soo warbixiyaan xaaladda dhabta ah ee ay kusugan yihiin dadkii dhaawacyadu kasoo gaadheen dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kuwaas oo lagu dabiibayo cusbitalka Digfeer.

—DHAMMAAD—
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland

Halkaan kadhegeyso Codka Wasiirka Caafimaadka Puntland

IMG_6737 IMG_6740 IMG_6744 IMG_6749 IMG_6755 IMG_6757 IMG_6761 IMG_6774 IMG_6779 IMG_6784 IMG_6794 IMG_6798 IMG_6800 IMG_6806 IMG_6807 IMG_6811 IMG_6814 IMG_6818 IMG_6823 IMG_6829 IMG_6851 IMG_6854 IMG_6855 IMG_6858 IMG_6859 IMG_6885

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>