Jabuuti(PP): Wararka uu helayo Puntland Post ayaa sheegaya in Magaalada Jabuuti ee Caasumadda dalka Jabuuti la filayaa inuu maanta ka furmo shir looga hadlayo sidii looga wada tashan lahaa doorashada Soomaaliya 2016.
Waxaa shirka ka qayb gali doona masuuliyiin ka tirsan dowladda Fadaraalka iyo maamul goboleedyada,arimaha looga hadlayo ayaa lagu sheegay hannaanka federaalka dalka, awood-qeybsiga siyaasadeed iyo wadaagga kheyraadka guud ee Soomaaliya.
Masuuliyiinka ayaa intuu shirku socda waxay kawada hadli doonaan qaabkay u dhicikarto doorashada Soomaaliya iyo sidii laysugu afgaran lahaa.
Shirkan ayaa kusoo aaday isagoo uu maanta baaqday shir looga hadli lahaa doorashada 2016 oo maanta la filayey inuu ka furmo Muqdisho, sababaha keenay baaqashada ayaa lagu sheegay is afgaran waa kusaabsan doorashada iyo qaabkay udhacayso oo udhexeeya dowaldda Fadaraalka iyo Maamul goboleedyada.
Puntlandpost.com.
Xasan Baashe.