Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Gaas oo sheegay inaysan raali ka noqonayn 4.5 (Dhagayso)

$
0
0

Muqdisho(PP):Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxmamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey shirkii looga hadlayey doorashada Soomaaliya la filayo inay ka dhacdo sanadka 2016 oo Maanta ka furmay Muqdisho, ayaa khud badiisa kaga hadlay sidii madaxda Soomaaliyeed ay xalwaara ugu raadin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Gaas ayaa sheegay inta aan la dhamaystirin Dastuurka in ay ka horeeyeen heshiisyo taariikhi ahaa ee GAROWE1 iyo GAROWE 2 islamarkaana lagu dhamaystirayey dowladda nimada,kuwaas oo ay ku cadaayeen halkii Laga aadi lahaa 2016.

Madaxdii shirkaas lagu caasumay waxaa shirkii maanta ka joogay Cabdiwali Cali Gaas oo xiligaas ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isna ahaa gudoomiyaha baarlamaanka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in qodobadii ugu muhiimsan ee Garowe 1 uu dhigayay meesha la aadayo,marxalada maanta la joogo, waxaan qodobada tilmaamayey kamid ahaa qodobka 2aad fiqradiisa 3aad wuxuu si aan mugdi ku jirin uu uqeexeyey inaan doorashada lagu salayn habka 4.5ka.

Gaas ayaa sheegay inuu xil kasaaran yahay masuuliyiintu inay ku shaqeeyaan rabitaanka shacabka,taladana laga qayb galiyo si ay meesha uga baxdo go’aamo aan lagu wada qanacsanayn.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaasa ayaa tilmaamay in lixmgaalo oo ka tirsan Puntlandn ay 600 oo qof ugu qabteen inay aragtidooda ka dhiibtaan doorashada iyo qaabka lagu salayn karo.

Waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in Shacabka Puntland ay ku taliyeen in xildhibaanka ay soo doortaan deegaanka uu kasoo jeedo, islamarkaana aysan dhicin xildhibaan uu deegaankiisu soo xulan uusan matalin.

Dr Gaas ayaa xusay in madasha uu ka cadaynayo inay Puntland ku shaqaynayaan rabitaanka shacabka ay matalaan,oo talaabooyinkooda kusoo uruuriyey shirarkii Mustaqbalkooda bari.

Puntlandpost.com

Halkan ka Dhagayso Codka

Xasan Baashe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>