Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Magaalada EYL ee gobolka Nugaal oo laga hirgalin doono Waddo Laami ah (Sawiro)

$
0
0

Eyl(PP): Kulan ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, haweenka dhalin yarada, aqoonyahanka iyo maamulka degmada EYL ayaa 12-kii bishan december  lagu doortay mashaariicda la fulin doono 2016.

Kulan kaan oo mudo sadex casho ah ka socday Hoolka dawlada hoose ee degmada Eyl  kaas oo ay sidoo kale ka soo qayb galeen wakiilada tuulooyinka degmada hoos yimaada, gudiyada xaafadaha, madax ka socotay wasaarada arimaha guudaha dawladaha hoose iyo reer miyiga iyo hay’adda UNDP/JPLG. Dhamaan ka soo qayb galayaashii kulan waxay si wayn isugu raaceen mashaariicda laga fulin doono degmada 2016-ka taas oo maalgalinta JPLG sanadka soo socda lagu fulin doono waddo laami ah oo magaalada dhex marta.

Waddadaan ayaa bilow u noqon doonta riyaddii ay dadka deegaanku qabeen ku waas oo ku hamiyijiray in ay arki doonaan waddo laami ah oo magaalada dhex marta.

Sidoo kale maamulka degmada ayaa sanadka 2016 miisaaniyadooda ka fulin doona Aqalka haweenka kaas oo laga dhisi doono Daawad, Eyl. Balaarin lagu samayn doono aqalka martida ee magaalada, iskuul laga dhisi doono tuulada ceelmadoobe  iyo darbi 250m dhararkiisu yahay  kaas oo laga dhisidoono goobo khatar u ah nafta bini aadamka oo ku dhexyaal magaalaa Eyl (safety wall).

Ma suuliyiintii kulanka ka hadashay oo uu ugu horeeyey madaxa UNDP-JPLG saalax C/raxman ayaa amaan u soo jeediyey maamulka degmada sida hufnaanta leh ee ay uga soo qayb galiyeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada doorashada mashaariicda degmada laga fulin doono waxa uuna xusay in loo baahan yahay in degmooyinka kalena ay ka tusaale qaataan degmada Eyl oo ah degmooyinka ugu cad cad dhanka hufnaanta degmooyinka mashruuciida JPLG ka socoto.

Madaxdii ka socotay wasaarada arimaha gudaha dawladaha hoose ayaa iyaguna qiray hanaanka loo maray doorashada mashaariicda sanadka 2016 la fulin doono mid u dhacday hab cadaalad ah, waxayna sidoo kale amaan  u soo jeediyeen hanaanka doorashada loo maray.

ugu dambayn duqa degmada Eyl muuse cismaan yuusuf ayaa uga mahad celiyey ka soo  qayb galayaashii kulan sida hufnaanta leh ee ey u doorteen mashaariicda degmada laga fulin doono sanadka 2016.

Waxa uuna duqa sidoo kale amaan u soo jeediyey Wasaaradda arimaha guddaha iyo UNDP/JPLG oo ka caawisa dajinta qorshe sanadeedka degmada. Waxa uu duqu xusay in ay mashaariicdaan ka mid noqon doonaan mashaariicda ugu wax tarka roon ee degmada laga fulin doono sanadka 2016.

Daawo sawiradii Kulanka

9-eylduqa8-eyl7-eyl6-eyl5-eyl4-eyl3-eyl1-eyl

9-eyl


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>