Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Tacsi: Madaxweynaha Dawladda Puntlandoo uga Tacsiyeeyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Hooyadii Geeriyootey

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca Golayaasha Dawladda Puntland uga tacsiyeeyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey geeridii  Naxdinta lahayd ee ku timi Hooyadii Marxuumad Faaduma Xuseen Xayle  oo ku geeriyootey Magaalada Haydarabaad ee Waddanka Hidniya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Marxuumadda eebbe uga baryey in uu Jannada Fidowsa ka-waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntalnd ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey qoyskii ay kabaxday marxuumaddu isagoona ilaahay uga baryey inuu samir iyo iimaan taam ah kasiiyo, marxuumaddana uu qabriga u waasiciyo dembigeedana dhaafo.

Innaalilaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>